Liverpool iyo Luis Díaz ayaa gaaray heshiis isfaham ah (“gentleman’s agreement”) oo u oggolaanaya xiddiga reer Colombia inuu kaga tago kooxda xagaagan qiime ka hooseeya €80 milyan, sida uu qoray wargeyska Sport.
Díaz oo 28 jir ah wuxuu si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu u ciyaaro Barcelona, isagoo u arka kooxdaas doorashada koowaad ee mustaqbalkiisa. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in Barca diyaar u tahay inay bixiso wax ka badan €50m si ay u helaan.
Dhanka kale, kooxaha ka ciyaara horyaalka Saudi Pro League – gaar ahaan Al Nassr – ayaa sidoo kale xiiseynaya xiddiga. Si kastaba, Díaz wuxuu mudnaan siinayaa inuu sii joogo Yurub.
Díaz ayaa hadda luminaya booskiisii joogtada ahaa ee garabka bidix ee Liverpool, iyadoo Cody Gakpo uu si xooggan ugu tartamayo booskaas. Taasi waxay noqon kartaa sabab kale oo keeneysa inuu go’aansado inuu raadsado koox kale.
Waxaa la filayaa in arrinta mustaqbalkiisa ay si degdeg ah u cadaato marka suuqa kala iibsiga si rasmi ah u furmo.