Liverpool ayaa ku dadaalaysa sidii ay ku sii heysan lahayd Luis DÃaz, iyadoo u soo bandhigtay heshiis cusub oo ay mushaharkiisa si weyn ugu kordhinayso. Si kastaba, xiddiga reer Colombia wali ma uusan muujin kalsooni ku saabsan sii joogitaankiisa Anfield.
Sida laga soo xigtay Sport, kooxda guuleysatay horyaalka Premier League ayaa diyaar u ah inay si “weyn” u kordhiso mushaharka DÃaz, balse dalabkooda ayaan u muuqan mid wax ka beddelay go’aanka ciyaaryahanka.
DÃaz, oo heshiis kula jira Liverpool ilaa 2027, ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu qaado tallaabada xigta ee xirfadiisa, iyadoo Barcelona ay tahay doorashada uu si gaar ah u doonayo.
Kooxda horyaalka La Liga ayaa mudnaanta siineysa saxiixa DÃaz xagaagan. Si kastaba, waxay diyaarinayaan dalab gaaraya €60 milyan, halka Liverpool aysan diyaar u ahayn inay aqbasho wax ka yar €80 milyan.
Barcelona ayaa sidoo kale awood u leh inay u soo bandhigto mushahar ka fiican midka uu hadda ka qaato Anfield. DÃaz wuxuu haatan Liverpool ka qaataa €3.5 milyan sanadkii, waxaana suuragal ah in Reds ay “kor u qaadaan dalabkooda” si ay u qanciyaan.
Haddii aysan Liverpool la gaari karin heshiis mustaqbal fog ah oo lagu sii hayo xiddigan, waxay qarka u saaran yihiin inay tixgeliyaan iibintiisa.
Waxaa muuqata in dagaal suuqeed uu ka dhex qarxay labada kooxood, iyadoo mustaqbalka DÃaz uu weli yahay mid aan la hubin.