Luis Diaz Oo Go’aan Kama Dambeys Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Liverpool

Wargeyska Diario Sport ayaa soo warinaya in Luis Diaz uu doorbidayo inuu sii joogo Liverpool xilli ciyaareedka dambe halkii uu u wareegi lahaa Barcelona ama koox kale.

Diaz ayaa Khamiistii si cad u sheegay in uu rajeynayo inuu helo heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogayo.

“Haddii Liverpool ay i siiso dalab wanaagsan, ama haddii aan iska sii joogo labada sano ee ka dhiman qandaraaskayga, waan ku farxi doonaa — go’aanka iyaga ayuu hadda gacantooda ku jiraa,” ayuu yiri garabka reer Colombia.

Haddii Liverpool aysan u soo bandhigin heshiis cusub sida uu rabo, Diaz wuxuu xiiseynayaa inuu u ciyaaro Barcelona.

Sidoo kale, xiddigan waxaa xiiseynaya kooxo ka tirsan horyaalka Saudi Arabia, balse wararka ayaa sheegaya in qoyskiisa ay doorbidayaan inay sii joogaan England ama ugu yaraan qaaradda Yurub.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football