Liverpool Oo War Weyn Kasoo Saartay Mustaqbalka Luis Diaz Xilli Lala Xiriirinayo Horyaalka Sacuudiga

Luis Diaz ayaa la sheegay in uu la yaabay isbeddelka lama filaanka ah ee Liverpool ku sameysay mowqifkooda ku aaddan kordhinta qandaraaskiisa, sida laga soo xigtay warbixin uu qoray Rousing The Kop.

Markii hore, waxaa jiray qorshayaal kooban oo lagu waday in wadahadallada qandaraaska la bilaabo dhammaadka xilli ciyaareedka, iyadoo Diaz uu aaminsanaa in bandhigyadiisa garoonka ay u qalmeen heshiis cusub oo la sarreeya.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa haatan muujisay in aysan qorsheyneyneyn in heshiis cusub lala gaaro xiddiga xilligan.

Inkasta oo Liverpool ay dhowaan diiday dalabyo uga yimid Barcelona ayna caddeysay in aysan diyaar u ahayn in ay iibiso xiddiga reer Colombia, haddana waxaa la fahamsan yahay in kooxda ay leedahay qiime go’an oo ay kaga falcelin karto xiisaha ka imanaya kooxaha Sucuudiga.

Tani waxay imaaneysaa xilli uu Diaz weli kamid yahay ciyaartoyda muhiimka u ah qorshaha kooxda, balse mustaqbalkiisu uu u muuqdo mid laga fiirsanayo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football