Liverpool Oo Soo Af-jartay Saxiixii Saddexaad Ee Suuqa Xagaaga

Sida uu sheegayo weriyaha Sky Germany, Florian Plettenberg, heshiiska Milos Kerkez uu ugu biirayo Liverpool ayaa loo arkaa mid gebo-gebo ah.

Kooxda Reds ayaa heshiis buuxa la gaartay Bournemouth oo ku saabsan shuruudaha heshiiska labada koox.

Shakhsi ahaan wax dhibaato ah kama jirin, iyadoo Kerkez si cad u muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu ku biiro Liverpool horraantii toddobaadkan.

Haddii wax walba si habsami leh u socdaan, daafaca bidix ayaa mari doona baaritaanno caafimaad toddobaadka dambe ka hor inta uusan saxiixin qandaraas muddo dheer ah.

liverpool hadda waxey bartilmaameedka suuqa ka dhiganeysaa kabtanka Crystal Palace Guehi marka ay soo af-jarto heshiiska Kerkez.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football