Kooxda Liverpool ayaa si wanaagsan u dar-dar gelisay wadahadallada ay kula jirto Crystal Palace si ay ula saxiixato daafaca reer England Marc Guehi, sida uu shaaciyay suxufiga weyn Nicolò Schira.
Guehi, oo 24 jir ah, ayaa durba ogolaaday heshiis uu kooxda Reds kula sii joogi karo ilaa Juun 2030, taas oo caddeyn u ah rabitaankiisa ku aaddan inuu ugu biiro kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League.
Xaaladda Crystal Palace:
Heshiiska Guehi ee Palace wuxuu dhacayaa Juun 2026, wuxuuna diiday inuu kordhiyo.
Tani waxay cadaadis saartay Palace, waxeyna ku qasbeysaa iney iibiso, iyadoo kooxdu ku qiimeyneyso xiddigan €47 milyan.
Liverpool ayaa dhankeeda rajo ka leh inay ku dhamaystirto heshiiska €35 milyan.
Sababaha Liverpool u danaynayso Guehi:
23 kulan ayuu u saftay xulka qaranka England.
Waxa uu qeyb muhiim ah ka qaatay guushii FA Cup ee Crystal Palace.
Kooxda Reds ayaa dhowaan ka faa’iidaysatay dhaqaale kasoo xarooday iibka Jarell Quansah oo ugu biiray Bayer Leverkusen €41 milyan.
Marc Guehi wuxuu noqon karaa xoojinta difaaca ee Liverpool raadinaysay, iyadoo loo arko beddel mustaqbal leh oo lagu xoojinayo safka daafaca ee kooxda.