Wadahadallada u dhexeeya Liverpool iyo Bournemouth ee ku saabsan daafaca bidix ee Hungarian-ka ah Milos Kerkez ayaa si wanaagsan u socda, iyadoo Liverpool ay weli u muuqato kooxda ugu dhow ee saxiixiisa ku guuleysan doonta.
Wadahadalka oo billowday ugu yaraan tan iyo Nofeembar 2024 ayaa si weyn horey ugu socday, waxaana suuragal ah in heshiiska la dhammeystiro kahor furitaanka suuqa kala iibsiga ee June 10, 2025. Kerkez oo xiiseynaya inuu ku biiro Liverpool si uu uga ag ciyaaro Dominik Szoboszlai oo ay isku xul yihiin. Ma jiraan wax dhibaato ah dhanka heshiiska shaqsiga ah.
Bournemouth ayaa qiimeyneysa xiddigeeda, kaasoo dhammaan 38 kulan oo Premier League xilli ciyaareedkan ka soo muuqday. Liverpool waxey diyaar u tahay inay bixiso ku dhowaad £45 Millionsi ay ugu beddesho Andy Robertson oo da’ ahaan sii weynaanaya.
Tartankii kaga imanayay Manchester City iyo Real Madrid ayaa hoos u dhacay, sida wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan, waxaana agaasimaha ciyaaraha ee Liverpool, Richard Hughes — oo horey Kerkez u keenay Bournemouth — uu aaminsan yahay inuu dhammeystiri karo heshiiskan.