Liverpool Oo Mar Kale Jebineysa Rikoodhka Suuqa Kala Iibsiga; Waxey Markaan Doonayaan Isak

Kooxda Liverpool ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay bixiso £100 milyan oo lagu daray gunnooyin si ay ula soo wareegto weeraryahanka Newcastle United, Alexander Isak, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan GIVEMESPORT.

Heshiiska la filayo ayaa laga yaabaa inuu dhaafo lacagtii lagu bixiyay Florian Wirtz, taasoo ka dhigan in Liverpool ay jebin doonto rikoodhka ugu qaalisan ee suuqa kala iibsiga Ingiriiska markale muddo kooban gudaheed.

Isak oo 25 jir ah ayaa lagu tilmaamay “weeraryahanka ugu fiican dunida” sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisa sare ee Newcastle. Tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, ayaa doonaya inuu xoojiyo safkiisa kadib markii kooxda ay ku guuleysatay horyaalka Premier League.

Xiisaha Liverpool ee Isak ayaa sii xoogeysanaya iyadoo Darwin Nunez la filayo inuu kooxda ka tago. Waxaa jirta xiiso kaga imaanaya Napoli, Atletico Madrid, iyo kooxaha Saudi Pro League.

Inkastoo Liverpool horey u diiday dalab £59 milyan ah oo Nunez loo soo diray, haddana waxay diyaar u yihiin inay dhageystaan dalabyo la mid ah kaas si ay Isak ugu beddelaan.

Newcastle oo xaqiijisay u soo bixitaanka Champions League ayaa sare u qaaday qiimaha Isak, iyadoo la rumeysan yahay inaan lagu heli karin wax ka yar £150 milyan. Si kastaba, Liverpool ayaa diyaar u ah inay lacag badan ku bixiso si ay u helaan xiddiga reer Sweden.

Inkasta oo Isak yahay bartilmaameedka koowaad ee kooxda, Liverpool waxay sidoo kale eegaysaa xulashooyin kale oo ay ka mid yihiin Joao Pedro, Hugo Ekitike, iyo Benjamin Sesko.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football