Liverpool ayaa la soo sheegayaa inay si lama filaan ah ugu biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Sporting CP ee Viktor Gyökeres, taasoo carqalad ku noqotay qorshayaashii Arsenal iyo Manchester United.Waxaa lala yaaban yahay sida uu tababare Arne Slot dib-u-dhiska ugu wado kooxdiisa xagaagan.
Weeraryahanka reer Sweden ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu xagaagan u wareegayo Premier League, iyadoo Arsenal iyo Man United la rumeysan yahay inay ahaayeen kooxihii ugu horeeyay ee doonayay saxiixiisa.
Si kastaba, xiisaha kediska ah ee Liverpool ayaa beddelay is-fahamkii hore, iyadoo kooxda ka dhisan Anfield ay durba weydiisay wakiillada ciyaaryahanka qiimaha Sporting CP ku doonayso – taas oo la sheegay inay tahay €80 milyan (£68.4m).
Inkastoo dalab rasmi ah aysan wali gudbin Liverpool, haddana qiimahan ayaa la sheegay inuu yahay mid Liverpool awoodi karto, maadaama ay haystaan miisaaniyad lagu qiyaasay £200 milyan oo loogu talagalay suuqa kala iibsiga xagaagan.
Gyökeres ayaa loo arkaa beddelka ugu macquulsan ee Darwin Núñez, kaasoo la filayo inuu u wareego Napoli xagaagan.
Liverpool ayaa sidoo kale lala xiriiriyay weeraryahanno kale sida Alexander Isak, Hugo Ekitike, iyo Victor Osimhen.
In kasta oo xiisaha Liverpool loo arko mid lama filaan ah, haddana wararka ayaa sheegaya in Gyökeres uu doorbidayo koox Champions League ka ciyaareysa, taas oo Liverpool u muuqato inay si cad u buuxin karto marka loo eego Arsenal ama Man United. Taas ayaana noqon karta sababta uu ugu xiiso qabo ku biirista kooxda Reds.