Liverpool Oo Ku Dhow Iney Horyaalka Bundesliga Kasoo Qaadato Laacib Halis Ah Oo Noqon Kara Beddelka Nunez

Shaki ayaa hareeyay mustaqbalka weeraryahanka Liverpool Darwin Núñez, iyadoo kooxo dhowr ah ay xiiseynayaan inay la saxiixdaan xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in Núñez lala xiriirinayo horyaalka Sacuudiga ama La Liga, taasoo muujinaysa in suurtagal ay tahay in uu ka tago Anfield.

Saxafiga Sasha Talafiori ayaa boggiisa X (Twitter) ku sheegay in Liverpool ay bartilmaameedsanayso weeraryahanka xulka France ee kooxda Eintracht Frankfurt, Hugo Ekitike.

Sidoo kale, isla warbixinta ayaa sheegtay in Liverpool ay “ku riyoonaysay” saxiixa weeraryahanka Newcastle United, Alexander Isak, balse weeraryahanka reer Sweden ayaa la filayaa inuu sii joogo kooxda kadib markii ay xaqiijisteen u soo bixitaanka Champions League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football