Liverpool Oo Ku Dhow Heshiis Is-weydaarsi Weyn Oo Ay Kusoo Qaadaneyso Osimhen

Napoli ayaa qarka u saaran inay heshiis ballaaran la gaarto Liverpool, iyadoo wararka ay tilmaamayaan in Darwin Núñez iyo Federico Chiesa ay oggolaadeen inay ku biiraan kooxda Talyaaniga.

Sida uu sheegay weriyaha Gerardo Fasano, labadan ciyaaryahan ayaa aqbalay u wareegitaanka Napoli kahor xilli-ciyaareedka 2025-26.

Heshiiska waxaa se ku xiran in Victor Osimhen uu aqbalo inuu u wareego Liverpool.

Weeraryahanka reer Nigeria haddii uu yimaado Liverpool, wuxuu ka xoojin doonaa dhanka weerarka.

Núñez ayaa xilli-ciyaareed niyad-jab leh la qaatay Liverpool, isagoo shan gool kaliya ka dhaliyay 30 kulan oo horyaalka ah.

Dhanka kale, Chiesa kuma uusan yeelan saameyn muuqata kooxda uu Arne Slot hoggaamiyo, isagoo kaliya lix kulan ka soo muuqday Premier League tan iyo markii uu ka yimid Juventus.

Xiisaha Napoli ee Núñez iyo Chiesa waa qeyb ka mid ah dadaalka Antonio Conte uu ku xoojinayo kooxdiisa si ay ugu tartanto si adag Serie A iyo Champions League.

Kooxda Talyaaniga ayaa horeba uga yaabsatay suuqa kala-iibsiga, iyagoo bilaash ku soo saxiixday halyeyga Manchester City, Kevin De Bruyne.

Wadahadallada Napoli iyo Liverpool weli way socdaan, iyadoo labada kooxood ay ka shaqeynayaan dhameystirka faahfaahinta heshiiska.

Haddii ay guulaysato, heshiiskani wuxuu noqon doonaa guul weyn oo Napoli u soo hoyata, sidoo kalena wuxuu is-beddel wayn ku keeni doonaa shaxda Liverpool.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football