Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Tallaabo Taageerayaasha Kubadda Cagta Farxad-gelisay Kadib Geeridii Jota

Kooxda Liverpool ayaa la soo warinayaa inay bixin doonto dhammaan mushaharka ka dhiman qandaraaska Diogo Jota ee labada sano, si loogu taageero qoyskiisa kaddib geeridiisii naxdinta lahayd ee todobaadkan.

Jota, oo heshiis 5 sano ah u saxiixay Liverpool sanadkii 2022, wuxuu mushahar ahaan u qaadan jiray £140,000 usbuucii, taasoo sanadkii ka dhigeysa qiyaastii £7.2 milyan.

Warbixintu waxay sheegaysaa in Liverpool ay qoyskiisa siin doonto £14.5 milyan, taasoo ah lacagta ka dhin-nayd qandaraaskiisa labada sano ee soo socota.

Tallaabadan ayaa muujinaysa sida ay kooxda ugu heelan tahay taageerada qoyska ciyaaryahanka geeriyooday xilli ay ku jiraan murugo weyn.

Liverpool ayaa horayba u muujisay ixtiraam iyo naxariis ay u hayaan qoyska Jota, iyagoo siiyay xilli xasilooni iyo khaasnimo leh si ay u baroordiiqaan xiddiga.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in kooxda ay qaado tallaabooyin dheeraad ah si ay u caawiso xaaskiisa Rute Cardoso iyo saddexdooda carruur ee da’da yar, si ay u helaan daryeel joogto ah.

Tani waa tilmaan weyn oo muujinaysa in Liverpool aysan ahayn kaliya koox ciyaareed, balse ay tahay qoys mideysan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football