Liverpool Oo Keliya Iibineysa Luis Diaz Haddii………………

Kooxda Liverpool ayaa qorsheynaysa inay sameyso saxiix weyn xagaagan, iyagoo bartilmaameedsanaya Florian Wirtz, garabka weerarka ee kooxda Bayer Leverkusen.

Xiddiga Jarmalka ah ee 22-jirka ah ayaa lagu qiyaasay 150 milyan oo euro, halka mushaharkiisa shanta sano ee heshiiska lagu wado inuu gaaro isla qaddar lamid ah; taasoo wadarta guud ka dhigeysa 300 milyan oo euro.

Inkastoo Bayern Munich diyaar u tahay inay bixiso dhammaan lacagta, Wirtz wuxuu durba doortay inuu ku biiro kooxda Ingiriiska ah ee Liverpool.

Si ay u buuxiso shuruudaha dhaqaale ee saxiixa Wirtz, Liverpool waxay diyaarisay inay iibiyaan Luis Diaz.

Kooxda Al-Nassr ee Sacuudiga ayaa bixisay 85 milyan oo euro, balse Diaz weli wuxuu ka labalabaynayaa inuu u wareego Bariga Dhexe.

Dhanka Yurub, Barcelona ayaa ah kooxda ugu dhow helista xiddiga reer Colombia, waxaana loo sheegay in 25 milyan oo euro laga dhimi karo qiimihii hore ee 75 milyan; taasoo ka dhigeysa fursad ay miisaaniyadooda sanadka dambe la jaanqaadi karto.

Barcelona ayaa la filayaa inay si degdeg ah ugu safraan England si ay u dhammeystiraan heshiiska.

Xilli ciyaareedkan, Luis Diaz wuxuu u saftay Liverpool 50 kulan, isagoo dhaliyay 17 gool islamarkaana sameeyay 8 caawin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football