Luis DÃaz ayaa noqday bartilmaameed weyn oo suuqa xagaaga ah oo ay doonayso kooxda Barcelona, iyadoo wararka ka imaanaya Isbaanishka ay xaqiijinayaan in kooxda reer Catalonia ay si dhab ah u dooneyso inay xoojiso weerarka.
DÃaz, oo xilli ciyaareedkan si fiican uga hoos shaqeeyay tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, ayaa dhaliyay 17 gool wuxuuna sameeyay 5 caawin. Barcelona waxay u aragtaa inuu yahay ciyaaryahan si fiican ugu habboon qaab ciyaareedkooda.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Colombia ee 28-jirka ah ayaa weli labo sano uga harsan yihiin heshiiskiisa uu kula jiro Liverpool, waxaana la sheegayaa in kooxda reer England aysan wax dhibaato ah ka qabin xaalada ciyaaryahanka. Warkan oo kasoo baxay Daily Mail wuxuu tilmaamayaa in Liverpool aysan ku dhaqaaqin calaamad muujinaysa in ay diyaar u tahay inay iibiso DÃaz, xitaa haddii xiisaha Barcelona uu kordho.
Sidoo kale, agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona, Deco, iyo madaxweynaha kooxda, Joan Laporta, ayaa la sheegay in ay xiriir dhow la leeyihiin dad ku dhow DÃaz.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay Barcelona ka shaqeyneyso kordhinta qandaraaska Lamine Yamal — arrin dhaqaale ahaan qaali ku noqon doonta — kooxda waxay si buuxda uga warqabtaa baahida ay u qabaan inay si xakameysan u galaan suuqa kala iibsiga.