Kooxda Ingiriiska ee Liverpool ayaa go’aamisay qiimaha ay ku fasixi doonto weeraryahankeeda reer Uruguay, Darwin Núñez, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Saxafiga caanka ah ee David Ornstein ayaa sheegay in Liverpool ay dalban doonto €70 milyan si ay u fasaxdo weeraryahanka xagaagan.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in kooxda reer Sucuudi ee Al Hilal ay dalab kasoo gudbisay Núñez maalintii Isniintii, iyagoo muujiyay doonista ay u qabaan saxiixiisa.
Si kastaba ha ahaatee, isla warbixinta ayaa sheegtay in Darwin Núñez uu doorbidayo inuu sii joogo qaaradda Yurub inkastoo uu jiro xiise kaga imanaya kooxda Al Hilal, waxaana sidoo kale danaynaya kooxo ka ciyaara horyaalada Spain iyo Italy.
Ugu dambeyntii, Ornstein ayaa xusay in kooxda Atlético Madrid ay si dhab ah u danaynayso inay lasoo wareegto Núñez.