Liverpool Oo Farta Loogu Fiiqay Beddelka Saxda Ah Ee Ibrahima Konate

Daafacii hore ee Liverpool Glen Johnson ayaa si adag u dhaleeceeyay sida ay kooxda u maareeysay xaaladda qandaraaska Ibrahima Konate, isagoo ku tilmaamay “waali” in ciyaaryahan 26 jir ah oo leh karti sare ay suurtogal noqoto inuu si xor ah u tago.

Qandaraaska Konate ayaa soconaya ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2025-26, laakiin xiisaha kaga imaanaya Real Madrid ayaa walaac ka abuuray mustaqbalkiisa garoonka Anfield.

Johnson wuxuu aaminsan yahay in Liverpool ay tahay inay ka faa’iideystaan isla hadda oo ay iib geeyaan Konate, isagoo ka digay in beddelkiisa uu noqon doono mid aad qaali u ah haddii uu bilaash ku baxo.

“Ciyaartu waa ganacsi laakiin waa waali in ciyaaryahan da’daas iyo tayadaas leh uu si xor ah ku tago,” ayuu yiri Johnson.

“Wax fiican bay ahaan lahayd haddii Liverpool ay hadda iibiso, balse marka Real Madrid ay garaacdo albaabka oo ciyaaryahanku doonayo inuu baxo, maxaad sameyn kartaa.”

Johnson wuxuu sidoo kale soo jeediyay beddel suurtogal ah oo Konate ah, isagoo tilmaamay kabtanka Crystal Palace ee Marc Guehi.

“Marc wuxuu noqon lahaa xulashada ugu fiican aniga ahaan,” ayuu yiri. “Haddii ay hadda saxiixaan, wuxuu heli lahaa waqti uu ku koro oo uu ku horumariyo la shaqeynta van Dijk. ma heli doontid qof ka fiican isaga.”

Johnson wuxuu ammaanay hibada dabiiciga ah ee Guehi, xawaaraha, xoogiisa, iyo degganaanta uu kubadda ku leeyahay, isagoo aaminsan inuu noqon karo lammaane adag oo la ciyaara Virgil van Dijk.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football