Kooxda Newcastle United ayaan wax qorshe ah ka lahayn inay iibiso weeraryahankooda Alexander Isak, inkasta oo ay jireen warar sheegaya in Liverpool ay diyaar u tahay inay jebiso rikoodhka ugu qaalisan suuqa kala iibsiga Britain si ay ula wareegto xiddiga reer Sweden.
Isak ayaa dhaliyay 23 gool xilli ciyaareedkii 2024–25 ee Premier League, taasoo gacan ka geysatay in Newcastle ay xaqiijiso ka qeybgalka Champions League. Liverpool ayaa horey ugu bixisay £116 milyan laacibka Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz, waxaana sidoo kale lala xiriirinayay daneyn ay u qabto Isak oo 25 jir ah.
Si kastaba, sida uu qoray The Telegraph, inkasta oo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in heshiisku dhow yahay, ma jiro wax wada-hadal ah ama baaq rasmi ah oo dhex maray Liverpool iyo Newcastle. Tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, ayaa si weyn u jecel Isak, balse ilaa hadda arrintaasi wax dhaqdhaqaaq rasmi ah ma yeelan.