Liverpool Oo Bartilmaameedkii City Gacanta Ku Dhigtay? Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Rayan Cherki & Wirtz

Wararka ka imaanaya The Athletic ayaa xaqiijinaya in tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, uu toddobaadkii la soo dhaafay u safray koonfurta Faransiiska si uu si gaar ah ula kulmo xiddiga da’da yar ee Lyon, Rayan Cherki; ciyaaryahan si weyn ay u bartilmaameedsaneyso kooxda Manchester City.

Cherki, oo 21 sano jir ah kana ciyaara khadka dhexe ee weerarka, ayaa waxaa si joogto ah isha ugu haysay Man City in muddo ah, balse hadda Liverpool ayaa kusoo biirtay tartanka, iyadoo xitaa Arne Slot uu u duulay si uu xiriir shaqsiyeed ula sameeyo ciyaaryahanka.

Sida uu sheegay David Ornstein oo ka tirsan The Athletic:

“Wadahadallada la xiriira Cherki waxay bilaabmeen ka hor inta aan dadaalka loogu jiro Florian Wirtz horumar laga sameyn. Waa arrin caadi ah in wada-xaajoodyo kala duwan la wad-wado inta aysan heshiisyada waaweyn dhammaanin.”

Waxaa la ogyahay in Liverpool ay wali mudnaanta koowaad siinayso laacibka Jarmalka ee Florian Wirtz, balse iyadoo aysan weli wax heshiis ah la gaarin, kooxda ayaa isku diyaarinaysa xulashooyin kale oo beddel ah; Rayan Cherki ayaa kamid ah fursadahaasi.

Manchester City, oo iyadana horey u dooneysay Wirtz, ayaa hadda si buuxda ugu jeedisay diiradeeda Cherki, iyadoo rajaynaysa inay heshiis la gaarto kooxda Lyon iyo laacibka laftiisa.

In kasta oo heshiis rasmi ah uusan wali dhicin, hadana ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wadahadallada ay horumar sameynayaan, iyadoo labada kooxood iyo ciyaaryahanka ay ka shaqeynayaan inay isla meel dhigaan qodobbada muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football