Liverpool Ma Difaacan Doontaa Horyaalka? Konaté Oo Jawaab Adag Bixiyay!

Difaaca Liverpool, Ibrahima Konate, ayaa dhiirrigelin adag u diray asxaabtiisa kooxda kahor bilowga xilli ciyaareedka 2025/26, isagoo ka digay in aysan is-dhigan maadaama ay hanteen horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

“Waxa ugu muhiimsan waa inaanan ku nasan guusheenii hore. Waxaan ku guuleysanay Premier League, taasoo ahayd wax weyn oo farxad u keentay qof walba, laakiin taas kaliya naguma filna. Waxaan rabaa inaan mar kale ku guuleysto sannadka dambe – ama aan Champions League qaadno,” ayuu yiri Konate.

Wuxuu intaas ku daray:

“Marka xilli ciyaareedka cusub bilaabanayo, waa in aanan illoobin guushii aan gaarnay, sababtoo ah waa mid taariikhda gashay. Laakiin waa inaan meel dhigno oo isweydiinnaa: ‘Ma nagu jiraa rabitaankii hore, xoogii jidheed iyo maskaxeed ee aan ku guuleysanay sanadkii hore?’”

Konate ayaa sheegay in tartanku uu adkaan doono mar labaad:

“Waa mid aad uga adag, sababtoo ah hadda annaga ayaa horyaalka heysana, koox walbana waxay rabtaa inay naga badiso.”

Hadallada Konate ayaa muujinaya niyadda dagaal iyo u diyaar garowga ay Liverpool la geli doonto difaacashada horyaalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football