“Liverpool Ayaa Wirtz Lacag Intaa La’eg Ku Bixineysa Ismaan Laheyn” Caicedo Oo Si Toos Ah Uga Dhega-hadlay Liverpool

Xiddiga Chelsea ee Moises Caicedo ayaa si deggan uga falceliyay wararka sheegaya in Florian Wirtz uu noqon doono ciyaaryahanka ugu qaalisan ee abid ka diiwaangashan taariikhda kubadda cagta Britain, isagoo jabinaya rikoorkii Caicedo uu dhigay.

Wararka ayaa sheegaya in Liverpool ay ogolaatay inay Bayer Leverkusen bixiso illaa $158 milyan (qiyaastii £116 milyan) si ay u helaan Wirtz – taasoo dhaafeysa £115 milyan oo Chelsea ay sanadkii 2023 ku bixisay Caicedo.

Caicedo, oo haatan la jooga Chelsea ayaa yiri: “Ma ogeyn in Liverpool ay bixin doonto lacag intaa la eg… Waa wax fiican. Waa ciyaaryahan heer sare ah.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Qof kasta oo daawanaya wuu arki karaa tayadiisa – wuu fiican yahay. Aad baan ugu faraxsanahay inuu Premier League imanayo.”

Caicedo uma muuqan mid ka xun in rikoorkiisa la jabiyo, isagoo diiradda saarayey kaliya amaanta Wirtz iyo soo dhaweyntiisa horyaalka Ingiriiska.

Wirtz ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan marayo tijaabada caafimaadka si loo dhammeystiro heshiiskiisa Liverpool.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football