Premier League ayaa markii ugu horreysay yeelan doona lix koox oo ka qeyb galaya Champions League xilli ciyaareedka 2025/26, taasoo sabab u ah natiijooyinkii horyaalka iyo guushii Tottenham ee Europa League.
🏆 Kooxaha usoo baxay Champions League:
Liverpool (Horyaalka Premier League)
Arsenal (Kaalinta 2-aad)
Manchester City (Kaalinta 3-aad)
Chelsea (Kaalinta 4-aad)
Newcastle United (Kaalinta 5-aad)
Tottenham Hotspur (Guuleystayaasha Europa League)
Tani waa markii ugu horreysay taariikhda oo ay lix kooxood oo Ingiriis ah usoo baxaan Champions League, taasoo muujineysa awoodda horyaalka.
🏆 Kooxaha usoo baxay Europa League:
Aston Villa (Kaalinta 6-aad)
Crystal Palace (Guuleystayaasha FA Cup)
Guushii FA Cup ee Crystal Palace ayaa siineysa boos toos ah oo Europa League ah, halka Aston Villa ay ku muteysteen kaalintooda horyaalka.
🏆 Kooxda usoo baxday Conference League:
Nottingham Forest (Kaalinta 7-aad)
Nottingham Forest ayaa dib ugusoo laabanaysa tartamada Yurub markii ugu horreysay tan iyo 1996, kaddib xilli ciyaareed heer sare ah.
Tartanka 2025/26 wuxuu ballanqaadayaa xiiso badan oo Yurub ah oo ay wadaan kooxaha Premier League-ka.