Weeraryahanka cusub ee Chelsea, Liam Delap, ayaa si daacad ah uga hadlay safarkiisa ciyaareed iyo sababta uu ugu biiray kooxda Stamford Bridge.
“Waa dadaal cimri-dheer,” ayuu yiri Delap wareysigiisii ugu horreeyay isagoo xiran funaanadda Chelsea.
“Tan iyo markii aan jiray 8 ama 9 sano, maskaxdayda waxay ahayd mid ku qotonta kubadda. Ma jirin wax kale oo aan doonayay inaan sameeyo. Waxaan bixiyay wax walba si riyadaydu u rumoowdo.”
Delap ayaa sheegay in inkasta oo safarka uu adkaa, haddana uu mar walba jeclaa ciyaarta.
“Waan jeclahay kubadda. Xitaa haddii aanan noqon xirfadle, waxaan la ciyaari lahaa saaxiibaday.”
Wuxuu xusay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku biiro Chelsea:
“Waxaan daawan jiray kooxdaan yaraantaydii. Waan fahamsanahay qiimaha ay leedahay iyo guulihii ay gaartay.”
“Waxaan u imid Chelsea inaan kula guuleysto koobab. Waxaan la hadlay maamulka, dhammaantood waxay doonayaan in kooxda sare loo qaado — tayada iyo ciyaartoyda ay haystaan ayaa suuragelin karta ,” ayuu yiri.
Delap wuxuu saxiixay heshiis lix sano ah oo ku eg 2031, iyadoo Chelsea ay dhaqaajisay qodobka £30m ee lagu burburin karo qandaraaskiisa Ipswich.