Lewandowski: Waxa Keliya Ee Ka Wanaagsan Inaan Ku Guuleysto Kabta Dahabka Europe Waa………….

Xiddiga Barcelona Robert Lewandowski ayaa la hadlay saxaafadda kadib guushii ay kooxdiisu 3-0 kaga badisay Athletic Bilbao kulankii ugu dambeeyay ee La Liga oo ka dhacay garoonka San Mamés.

Lewandowski ayaa yiri: “Inaan waayo abaalmarinta Pichichi? Waxa ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa inaan ku guuleysano horyaalka. Kadib dhaawacii i gaaray, waxaan u baahnaa waqti aan ku soo kabto, taasina waa wax dabiici ah. Waxaan aaminsanahay inaan horyaalka kuwada guuleysanay anaga oo koox ah, waana taas waxa ii muhiimsan.”

Wuxuu intaa ku daray: “Waxay ahayd ciyaartii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka, waxaana lahayn qorshe aan ku guuleysano. Waxaan qabaa inaan si fiican u ciyaarnay qeybtii hore; wax walba ayaanu gacanta ku haynay. Xilli ciyaareedkan wuxuu ahaa mid ku dhowaad dhammaystiran.”

Ugu dambeyn, isagoo ka hadlayay sagootinta De Marcos, ciyaaryahanka Bilbao oo ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay kahor intii uusan ciyaaraha ka fariisan, Lewandowski wuxuu yiri: “Waa waqti uu ciyaaryahan walba mari doono; waa inuu ku raaxaystaa sagootinta. Ciyaaryahan walba wuxuu doonayaa inuu si buuxda u bixiyo kartidiisa, waxaana qabaa in tani ay ahayd waqti aad ugu wanaagsan isaga.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football