“Lewandowski Waa Xirfadle Laakiin Waa………..” Wakiilkii Hore Ee Lewandowski Oo Siro Badan Bannaanka Keenay

Wakiilkii hore ee Robert Lewandowski, Cezary Kucharski, ayaa si adag u weeraray weeraryahanka reer Poland, isagoo ku eedeeyay inuu yahay ciyaaryahan heer sare ah balse qof ahaan aan wanaagsanayn. Hadalladan ayaa yimid kadib markii uu muran xoogan ka dhex qarxay xiddiga iyo xulka Poland taasoo keentay in tababare Michal Probierz is-casilo.

Kucharski wuxuu sheegay in Lewandowski uu si dadban u carqaladeeyo tababarayaasha uu khilaaf la galo, balse markan si toos ah u shaaciyay inuusan kalsooni ku qabin Probierz, islamarkaana uu isaga baxay xulka qaranka. Wuxuu sheegay in Lewandowski uu naftiisa u arko “boqor” oo uu dadka kale si kas ula dhaqmo, islamarkaana uu xitaa horay u qorsheeyay qaabka uu dadweynaha ula xiriirayo si uu u dhiso sumcaddiisa.

Kucharski wuxuu sheegay in Lewandowski uu dareemay khiyaano kadib markii laga qaaday kabtannimada, taasoo dhalisay inuu si rasmi ah uga haro xulka. Waxaa intaas dheer, labada nin waxaa ka dhexeeya dacwad maxkamadeed oo la xiriirta eedeyn ah in Kucharski uu isku dayay inuu ka musuqmaasuqo Lewandowski lacag dhan €20 milyan.

Lewandowski wuu ka aamusay eedeymahan maadaama dacwadu wali socoto. Kucharski wuxuu rumeysan yahay ineysan suurtagal ahayn in Lewandowski mar kale xulka u ciyaaro.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football