Lewandowski Oo Si Cadho Leh Uga Falceliyay Dhaleeceynta Taageerayaasha Poland

Robert Lewandowski ayaa si adag u difaacay go’aanka uu kaga maqnaanayo kulamada xulka Poland ee bisha June, oo ay ku jiraan isreeb-reebka Koobka Adduunka, kaddib markii si weyn loogu dhaleeceeyay gudaha dalkiisa.

Weeraryahanka Barcelona, oo la tacaalayay dhaawacyo kala duwan dhamaadka xilli ciyaareedka, ayaa sheegay in uu u baahnaa nasasho. Wuxuu u sheegay TVP: “Ma aha inaan sharraxo sababta aan u gaadhay go’aankan. Markii aan go’aansaday, aniga ayuu sax ila ahaa. Kooxdu iyada ayaa is maamuli karta.”

Lewandowski ayaa caddeeyay inuu si toos ah ula hadlay tababare Michal Probierz: “Waan wacay, si daacad ah ayaan ula hadlay. Ma fiicneyn jismi ahaan iyo maskax ahaanba inaan ciyaaro.Waxaan Dareemayay in tagista xerada aysan aniga i anfacayn waqtigaas.”

Wuxuu intaas ku daray: “Dadku wax badan ma oga, waxay durba gaareen go’aamo khaldan. Nolol shaqo iyo nolol gaar ah way kala duwan yihiin.”

Isagoo warbaahinta la hadlayay ayuu yiri: “Haddii aan idiin dhageysan lahaa, xulka waan ka fariisan lahaa. Waxaan u ciyaaraa taageerayaasha iyo qoyskayga.”

Ugu dambeyn wuxuu yiri: “Culayska in la matalo dal dhan muddo dheer ma fududa. Mararka qaar anigana nasasho ayaan u baahdaa.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football