Lewandowski Oo Ka Hadlay Waxa Alonso Uu Real Madrid Kusoo Kordhin Karo Xilli Ciyaareedka Dambe

Robert Lewandowski ayaa rumeysan in Real Madrid ay si weyn u soo laaban doonto xilli-ciyaareedka soo socda marka ay hoggaanka ku hubsadaan Xabi Alonso.

“Aniga oo garanaya Xabi Alonso, waxaan hubaa in Real Madrid ay mar kale noqon doonto koox khatar ah xilli-ciyaareedka dambe,” ayuu yiri Lewandowski mar uu la hadlayay Mundo Deportivo.

“Waan wada ciyaari jirnay, tababaradana waan wada qaadan jirnay. Mar walba waan ogaa in Xabi maalin uun uu noqon doono tababare.

“Dabcan, wuxuu ka bilaabay koox yar, laakiin dhowr sano kadib, wuxuu hadda yahay tababaraha koox ka mid ah kuwa ugu waa weyn aduunka.”

Lewandowski ayaa intaa ku daray:

“Waa tababare wanaagsan oo ku habboon Real Madrid. kooxda waa uu caawin karaa, inkasta oo laga yaabo inuu u baahdo waqti yar. Laakiin si fiican ayuu ugu diyaar garoobay.”

Real Madrid ayaa u yeeratay halyeygoodii hore kaddib xilli-ciyaareed liita oo ay koob la’aan ahaayeen.

Xabi Alonso waxaa haatan saaran culays weyn, maadaama ay Real Madrid caan ku tahay dulqaad la’aanta ay u hayso tababarayaasha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football