Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doono kooxda Barcelona xilli ciyaareedka soo socda, isagoo la hadlay wargeyska Jarmalka ee Bild.
Lewandowski, oo heshiis kula jira Barca ilaa Juun 2026, wuxuu sheegay inuusan ka fikirin inuu baxo inkastoo kooxdu wajahayso xaalad dhaqaale oo adag. Wuxuu yiri:
“Xilli ciyaareedka soo socda waxaan ka mid ahaan doonaa kooxda. Ma jiro wax kale oo maskaxdayda ku jira marka laga reebo Barcelona. Waan rumeysanahay in kooxdeennu noqon doonto mid ka sii wanaagsan Sidan.”
Weeraryahankan 36 jirka ah wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay in hamigiisa koobabku weli nool yahay:
“In ka badan 30 koob ayaan ku guuleystay xirfadeyda, balse weli waxaan diyaar u ahay inaan ku daro kuwo kale.”
Lewandowski wuxuu sheegay inuu weli dareemayo firfircooni:
“Jirkayga wuu fiican yahay. Waxaan mar walba ku dadaalaa inaan gaaro heerkeyga ugu sarreeya. Waxaan is leeyahay weli waxaad tahay 30 jir. Ma fariisan doono ilaa qalbigeyga iyo maskaxdeyda ay igu dhahaan waqtigaagu waa dhamaaday.”
Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, Lewandowski wuxuu dhaliyay 42 gool 52 kulan, isagoo gacan weyn ka geystay saddexleyda gudaha (La Liga, Copa del Rey, iyo Spanish Super Cup) ee ay Barcelona ku guuleysatay.