Lewandowski Oo Barcelona Ka Tagaya; Wuxuu Go’aansaday Inuu Ku Biiro…………

Wararka ka imaanaya Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in Robert Lewandowski uu  oggolaaday inuu ku biiro horyaalka Sucuudiga marka uu dhamaado qandaraaskiisa Barcelona ee sanadka 2026. Sida laga soo xigtay Al-Riyadiyah, weeraryahanka ayaa horey ugu wargeliyay shirkadda matasha (agency) in uu doonayo inuu ka ciyaaro Bariga Dhexe.

Af-hayeen u hadlay Gol International – oo ah shirkadda matasha Lewandowski – ayaa yiri:

“Waqti xaadirkan wax wadahadal ah kama dhexeyaan ciyaaryahanka iyo horyaalka Sucuudiga, balse taasi way imaan doontaa. Lewandowski wuxuu ku biiri doonaa mid ka mid ah kooxaha Sucuudiga laga bilaabo 2026.”

Tani ma aha markii ugu horreysay ee Lewandowski lala xiriiriyo horyaalka Sucuudiga, hase yeeshee ilaa hadda isaga iyo kooxdiisa waxay iska fogeynayeen xiisahaas, iyagoo ku adkeysanayay in diiradda Lewandowski tahay dhameystirka qandaraaskiisa Barcelona.

Warbixintu waxay sidoo kale caddeysay in aan wax qorshe ah laga lahayn kordhinta qandaraaska kaddib 2026. Dhamaadka xilli-ciyaareedka ee Lewandowski waxaa saameeyay dhaawacyo, waxaana uu ka haray ciyaarihii xulka Poland isagoo ku sababeeyay daal maskaxeed iyo mid jir ahaaneed. Go’aankaas ayaa sababay khilaaf gudaha Poland ah, waxaana laga qaaday xilkii kabtanimada.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football