Lewandowski: Haddii Aad Rabtaan Inaan Idiin Ciyaaro, Ceyriya……………

Weeraryahanka Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ku dhawaaqay inuu si ku-meel-gaar ah uga fariistay ka qeybgalka xulka qaranka Poland.

Lewandowski, oo 36 jir ah, ayaa Axaddii qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter) ku sheegay inuusan mar dambe u ciyaari doonin xulka Poland inta uu xilka tababarenimo hayo Michał Probierz.

Wuxuu yiri:

“Markaan tixgeliyey duruufaha jira iyo kalsoonidii luntay ee aan ku qabay tababaraha xulka Poland, waxaan go’aansaday inaan ka laabto u ciyaarista xulka ilaa laga badalo tababaraha.”

“Waxaan rajaynayaa in mustaqbalka aan mar kale fursad u heli doono inaan u ciyaaro taageerayaasha ugu fiican adduunka.”

Lewandowski wuxuu hore uga baxay xulashada kulammada xulka ee bishan Juun, isagoo u sheegay tababaraha inuu yahay “mid maskax ahaan daalan.”

Sidoo kale kama uusan qeybgalin guushii saaxiibtinimo ee ay Poland ka gaartay Moldova Jimcihii la soo dhaafay, wuxuuna seegi doonaa ciyaarta isreeb-reebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Finland 10-ka Juun.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football