Kooxda Bayer Leverkusen ayaa weli wadahadallo kula jirta Liverpool si ay u dhamaystiraan heshiiska xiddigooda Florian Wirtz, balse warbixin kasoo baxday Sky Germany ayaa sheegaysa in Harvey Elliott hadda laga saaray qorshaha heshiiska.
Elliott oo 22 jir ah ayaa hore loogu arkaayay inuu noqon karo qeyb ka mid ah heshiis is dhaafsi ciyaartoy iyo lacag ah, balse Leverkusen ayaa hadda si rasmi ah uga tanaasushay xiisaha ay u qabtay.
Xilli ciyaareedkii hore, Harvey Elliott wuxuu u saftay 28 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 5 gool isla markaana caawiyay 3 kale – oo ay ku jirto gool muhiim ah oo uu ka dhaliyay PSG tartanka Champions League.
Dhanka kale, daafaca dhexe ee Jarell Quansah – oo 22 jir ah sidoo kalena kasoo muuqday kooxda koowaad kaddib amaah uu ku qaatay Bristol Rovers – ayaa weli ah ikhtiyaar ay Leverkusen ku darsan karto heshiiska Wirtz.
Liverpool ayaa wali u aragta Florian Wirtz inuu yahay bartilmaameed muhiim ah oo ay doonayaan inay ku xoojiyaan kooxda xagaagan.