Leroy Sane Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda Cagta – Miyuu Iloobay Pele, Maradona, Zidane, Ronaldinho Iyo Halyeeyadii Jarmalka?

Xiddiga reer Germany ee garabka uga ciyaara Manchester City ee Leroy Sane ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee uu isaga fikirkiisa ah laacibiintii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta.

Marka lasoo qaado ciyaartooyadii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta dunida, waxa  xulashada koowaad kusoo baxa halyeeyadii xulalka Brazil iyo Argentina ee Pele iyo Diego Maradona oo dadku ku murmaan midkooda  sii wanaagsanaa, laakiin ma jiraan xiddigo lagu lamaaneeyo oo la barbar-dhigo.

Da’yarta aan aqoonta fiican u lahayn Pele iyo Maradona ee sheekada uun ku maqlay, waxay xiddigaha ugu waaweyn ku sheegaan Ronaldinho iyo Zinedine Zidane, balse ciyaaryahannada ayaa sameeya baadhitaan la xidhiidha xirfadda xiddigihii ka horreeyey ee aanay garoomada kusoo gaadhin, si ay doorasho si ay qiimayn xaqiiqada ku fadhida uga bixiyaan ciyaaryahannada ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta.

Marka laga hadlay waqtigan la joogo, shaki lama geliyo in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay yihiin laacibiinta ugu wanaagsan, kuwaas oo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey abaal-marinta xiddiga sannadka si isku mid ah min jeer ugu guuleystay.

Waxay labadan ciyaartoy jabiyeen rikoodho badan oo kubadda cagta ah sida gool-dhalinta iyo guulaha ay kooxahooda gaadhsiiyeenba.

Haddaba, laacibka reer Germany ee Leroy Sane oo la weydiiyey dookhiisa, ciyaaryahannada uu u arko kuwii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, ayaan kusoo darin Pele, Maradona, Zidane, Cristiano Ronaldo iyo Ronaldo (R9) midkoodna, waxaana uu soo xushay laba xiddig oo kale oo uu kala saari kari waayey.

Sane oo la weydiiyey inuu sheego aragtidiisa laacibkii ugu wanaagsanaa taariikhda, ayaa waxa uu si kooban u  yidhi: “Waxaan qiyaasayaa Messi ama Ronaldinho”

Leroy Sane waxa uu dhinaca kale tilmaamay in tababare Pep Guardiola uu u sheegay inuu u ciyaaro sida Lionel Messi oo kale, isaga oo xorriyad buuxda u siiyey in garoonka uu hadba meel tegi karo, si uu fursado badan u samayn karo.

 

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.