Leandro Trossard Oo Go’aan Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Arsenal

Weeraryahanka reer Belgium Leandro Trossard ayaa la filayaa inuu sii wato xirfaddiisa ciyaareed ee Arsenal, iyadoo wadahadallo ku saabsan kordhinta qandaraaskiisa ay socdaan.

Ilo wareedyo u dhow Trossard ayaa xaqiijiyay in inkastoo ay jirto xiise uga imaanaya kooxo ka dhisan Saudi Arabia, aysan jirin wax dalab rasmi ah oo la soo gudbiyay ilaa hadda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Trossard, oo door muhiim ah ka qaatay safka Arsenal xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, ayaa la sheegay inuu xiiseynayo inuu sii joogo waqooyiga London, isla markaana uu mustaqbalkiisa ku qaato garoonka Emirates. Wadahadallada qandaraaska cusub ayaa u socda si wanaagsan, iyadoo kooxda ay u aragto 30-jirkan mid muhiim u ah qorshahooda mustaqbalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football