Lamine Yamal Oo Si Layaab Leh Uga Hadlay Cadaadiska Kaga Imaan Kara Xirashada Lambarka 10-aad Ee Barcelona

Lamine Yamal ayaa si deggan uga hadlay cadaadiska lagala kulmo xirashada lambarka 10-aad ee kooxda Barcelona.

“Cadaadis miyaa i fuuli kara marka aan xirto lambarka 10? Marka aan doonayo inaan kubad laado, kama fikiri doono lambarka aan xiranahay,” ayuu yiri Yamal.

Isagoo ka hadlaya lambarkiisa xulka qaranka Spain, Yamal wuxuu sheegay:

“Nico [Williams] wuxuu jeclaa Cristiano, anigana waxaan jeclaa Messi… lambarrada 17 iyo 19 waa ay bannaanaayeen, waana naloo ogolaaday inaan qaadanno”

Hadalkan ayaa si weyn u xaqiijinaya wararka sheegaya in Yamal uu xiran doono lambarka 10 ee Barcelona xilli ciyaareedka soo socda.

Da’yarkan ayaa muujiyay in cadaadiska aysan saameyn ku yeelan doonin waxqabadkiisa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football