Lamine Yamal ayaa ka falceliyay aflagaado iyo hadallo naceyb ah oo uu la kulmay isagoo yiri:
“Dhibbanayaasha way cabanayaan, kuwa xun na way aflagaadoonayaan,” ayuu ku qoray bartiisa Instagram.
Lamine waxa uu ka hadlayay aflagaadada iyo weerarrada uu wajahayo tan iyo markii ay xulka Spain ku guuldarreysteen tartanka Nations League.
Qaar ka mid ah dhaleeceeyeyaasha ayaa si adag u cambaareeyay Lamine sababtoo ah wuxuu xirtay koofiyad ciyaal sii ah isagoo bixinaya wareysi kadib kulanka. Kuwo kalena waxay dhaliil xooggan dusha uga tuureen markii uu diiday inuu istaago si uu ugu sacbiyo xulka Portugal kadib markii ay koobka qaadeen.
Waxaa murugo leh in Lamine uu la kulmayo naceyb intan le’eg isagoo 17 sano kaliya jira.