Xiddiga da’da yar ee Barcelona Lamine Yamal, ayaa si toos ah uga hadlay xaalada noloshiisa jacayl kadib markii si weyn loola xiriiriyay Fati Vazquez, oo ah 29-jir caan ah kana tirsan madasha OnlyFans( oo lagu soo bandhigo sawirrada iyo muuqaallada anshaxa xun ee dadka caanka ah).
Yamal, oo 17 jir ah, ayaa haatan ku raaxeysanaya fasaxiisa kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaatay Barcelona, oo ku guuleysatay saddex koob oo maxalli ah xilli ciyaareedkii 2024/25. Dhawaan ayuu buuq xoogan kala kulmay baraha bulshada, iyadoo la sheegay inuu fasaxa la qaadanayay Vazquez, taasoo dhalisay hadal-heyn badan iyo tuhuno sheegaya in xiriir gaar ah uu ka dhexeeyo labadooda.
Si kastaba, labada dhinacba—Yamal iyo Fati Vazquez—ayaa si cad u beeniyay in xiriir jacayl uu ka dhexeeyo. Waxaa intaa dheer, Yamal ayaa ugu dambayn go’aansaday inuu xog cad bixiyo si uu u joojiyo mala-awaalka dadka.
Kadib markii uu la kulmay Neymar intii uu joogay Brazil, Yamal ayaa soo dhigay sawir uu ku sugnaa dalkaas, isagoo cinwaan uga dhigay:“Waxaan ahay doob faraxsan, halkani waa Brazil!”)
Dhanka kale, Fati Vazquez ayaa sheegtay inay la kulantay aflagaado iyo hanjabaado dhimasho oo uga yimid taageerayaasha, taasoo sababtay inay ka fiirsato tallaabo sharci ah haddii weerarrada baraha bulshada ay sii socdaan.
Qoraalka Yamal ayaa si weyn u kala cadeeyay inaysan jirin wax xiriir gaar ah oo ka dhexeeya isaga iyo Vazquez, taasoo taageerayaasha ah iyo warbaahinta u noqon karta dhamaadka sheekadan muranka dhalisay.