Lamine Yamal Oo Si Aan Horay Loo Arag Ugu Maadsaday Mbappe Iyo Xulkiisa

Lamine Yamal ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay semi-finalka Nations League, isagoo labo gool u dhaliyay Spain kulankii ay 5-4 kaga adkaadeen France.

Da’yarka reer Spain ayaa si cadaalad loogu doortay Xiddiga Ciyaarta (Man of the Match), wuxuuna hadal kooban ku muujiyay sida uu garoonka ficil ugu muujiyo halkii uu saxaafadda u faani lahaa.

“Waxa ugu muhiimsan waa inaad hadalkaaga ku muujiso garoonka dhexdiisa,” ayuu yiri Lamine isagoo abaalmarinta qaadanaya.

Bandhiggan ayaa si toos ah Lamine ugu soo saaray tartanka Ballon d’Or 2025, iyadoo dad badan u arkaan inuu yahay kan ugu cadcad hanashadeeda.

Lamine ayaa mar kale muujiyay in ciyaaraha waaweyn ay yihiin meel uu ku soo ifbaxo, wuxuuna ka dhigay garoonka mid isaga u gaar ah.

Wuxuu noqday dhibaato aan la xakameyn karin – ciyaaryahan aan cabsi lahayn marka uu garoonka joogo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football