Lamine Yamal Oo Shaaciyay Sirta Ka Dambeysa Bandhigyadiisa Wanaagsan Marka Ay Wajahayaan Kooxo Awood Badan

Isagoo la hadlayay Cope, Lamine wuxuu yiri: “Saaxiibaday ayaa ii soo dira faallooyin xun oo aan u adkeysan kari waayay. Waayo waxey ogyihiin in ay i dhiirrigelineyso arrintaas, markaa wey ii soo diraan kahor ciyaaraha. Haddii qof i dhaleeceeyo, waxay igu yiraahdaan: ‘Eeg waxa ninkan kaa sheegay.'”

“Kahor ciyaartii Faransiiska ee Euro, waan hurdayay, markaas ayaa saaxiibkay i soo wacay isagoo leh: ‘Xusuuso waxa Rabiot kaa yiri.'” “Waxaan u sheegay: ‘Haa, ha walwalin, waan xusuustaa.'”

“Ciyaartu markay bilaabatay, ma aan dhalin gool markiiba, markaas ayaan fiiriyay daawadeyaasha waxaana arkay isagoo iigu tilmaamaya sida uu leeyahay: ‘Xusuuso waxa uu kaa sheegay.'”

“Markaas ayaan aad isu dhiirigeliyay, waxaanan bilaabay inaan si aan kala joogsi lahayn u ordo… Sidaas ayaan ku helaa dhiirrigelin,” ayuu sharraxay Lamine.

Lamine marar badan ayuu si cajiib ah ugu ciyaaray jawi cadaawad leh. Tusaale ahaan, wuxuu ka dhaliyay gool cajiib ah garoonka Santiago Bernabeu isagoo la kulmaya yaxyax iyo buuq.

Taasi waa sababta uu sanadkan ugu guuleysan karo Ballon d’Or.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football