Lamine Yamal Oo Saadaal Cajiib Ah Ka Bixiyay Kulanka Finalka Ee Spain Iyo Portugal

Xiddiga xulka qaranka Spain, Lamine Yamal, ayaa saadaaliyay in ciyaarta kama dambaysta ah ee UEFA Nations League ee ay la ciyaarayaan Portugal ay noqon doonto mid lamid ah kulankii adkaa ee ay la yeesheen France.

Spain ayaa si cajiib ah 5-4 ugu garaacday France habeenkii Khamiista, kulan ka dhacay garoonka MHP Arena ee magaalada Stuttgart.

Yamal, oo 17 jir ah, ayaa dhaliyay laba gool kulankaas, isaga oo si weyn u saameeyay natiijada ciyaarta.

Guushaasi waxay Spain u xaqiijisay inay Axadda la kulmaan Portugal oo iyana 2-1 kaga adkaatay Germany kulankii kale ee semi-finalka ee dhacay Arbacadii.

Markii la weydiiyay fikirkiisa ku saabsan ciyaarta kama dambaysta ah, Yamal wuxuu u sheegay RTVE:

“France waa xul weyn, waxey kugu qasbayaan inaad la dhibtooto, taas waa wax caadi ah. Waxay haystaan ciyaartoy kaa dhigi kara inaad dhibsato ilaa daqiiqadda ugu dambeysa. Laakiin aad baan ugu faraxsanahay guusha.”

Wuxuu intaas ku daray isagoo ka hadlayay ciyaarta kama dambaysta ah:

“Waxay noqon doontaa sida ciyaartii France – ciyaartoy heer caalami ah ayaa halkaa jooga. Labadeenaba waxaan nahay kooxo tayo leh, waxaana rajaynayaa inaan koobka u qaado Spain.”

 

 

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football