Lamine Yamal Oo Markale Ku Dhega-hadlay Ousmane Dembele

Xiddiga da’da yar ee qaranka Spain, Lamine Yamal, ayaa markale dunida kaga yaabsaday bandhig cajiib ah oo uu ka sameeyay guushii 5-4 ahayd ee Spain kaga adkaatay France, ciyaartii semi-finalka Nations League.

Yamal oo 17 jir ah ayaa dhaliyay labo gool kulankaas wuxuuna sidoo kale abuuray fursado badan – taasoo sii xoojisay magaca weyn ee uu hadda ku dhex leeyahay kubadda cagta caalamka.

Markii la waydiiyay is-barbardhigga isaga iyo Ousmane Dembele, Yamal wuxuu si geesinimo leh u yiri:

“Haa, Dembele waa ciyaaryahan weyn… laakiin annaga ayaa hadda finalka joogna😅.”

Isagoo ka hadlayay finalka ay la ciyaari doonaan Portugal, Yamal wuxuu yiri:

“Waa laba kooxood oo aad u fiican, ciyaartoy heer caalami ah baa jooga. Laakiin waxaan aaminsanahay in kooxda ugu wanaagsan ay koobka u qaadi doonto Spain.”

Markii laga hadlayay qaab ciyaareedkiisa, Yamal wuxuu hadalkiisa kusoo koobay:

“Wax walba waxaa wanaagsan in garoonka ficil ahaan loogu muujiyo.”

Lamine Yamal ayaa hadda si buuxda ugu taagan tartanka loogu jiro Ballon d’Or 2025, iyadoo bandhigyadiisa xilli ciyaareedkan ay si weyn u soo jiiteen indhaha caalamka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football