Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxdiisa sanadkan, isagoo dhaliyay goolal badan oo kala duwan isla markaana bixiyay caawimooyin macquul ah.
17-jirkan ayaa bandhiggiisa sare ka muujiyay kalsooni sare, taasoo hadda u muuqata mid isu beddeshay isku-kalsoonaan xad dhaaf ah, maadaama uu si dadban u duray kooxda ugu weyn ee ay isku hayaan Spain – Real Madrid.
Lamine ayaa sheegay in Barcelona ay xilli ciyaareedka dambe si buuxda dhulka ugu jiidi doonto dhammaan kooxaha ay la xifaaltamaan, sidii ay sanadkanba sameeyeen.
“Farqiga noo dhexeeya annaga iyo kooxaha kale wuu muuqan doonaa,” ayuu yiri Lamine.
“Sanad kasta waxaan noqon doonaa mid ka fiican kii hore, waxaan dareemi doonaa raaxo iyo xasillooni dheeraad ah.”
“Guushii Super Cup-ka [oo aan ka qaadnay Real Madrid] waxay na siisay kalsooni badan oo aan si fiican xilli ciyaareedka dambe isugu diyaarinno.
“Waxay ahayd guul aad muhiim noogu ah koox ahaan, sababtoo ah guuldarro ka dhan ah cadoowgeenna ugu weyn, waxay noqon lahayd dharbaaxo culus. Balse maadaama aan guuleysanay waxay na kooxda dhiirigelin weyn,” ayuu raaciyay.
Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan guul ka gaartay dhammaan kulamadii ay la ciyaareen Real Madrid, waxaana ka mid ahaa labo final oo muhiim ah — taasoo sii xoojisay hadalka Lamine Yamal ee ku aaddan farqiga u dhexeeya labada kooxood.