Lamine Yamal, xiddiga da’da yar ee Barcelona oo haatan 17 sano jir ah, ayaa si geesinimo leh uga hadlay abaalmarinta ugu sarreysa kubadda cagta – Ballon d’Or. Inkasta oo uu weli aad u da’yar yahay, hadana waxaa lagu tirinayaa tartamayaasha abaalmarintaas sanadkan, waxaana uu si furan uga hadlay sida loo qiimeeyo iyo goorta dhab ahaantii la go’aaminayo.
Wareysi uu siiyay El Partidazo de COPE, Yamal waxa uu sheegay in Ballon d’Or aysan ku xirneyn hal kulan ama tartan gooni ah, balse ay tahay abaalmarin la siiyo ciyaaryahanka ugu fiican sanadka oo dhan.
“Abaalmarinta waxaa mudan ciyaaryahanka ugu fiicnaa sanadka. Haddii aan guuleysano ama guuldarreysano Khamiista, anigu waxaan u codayn lahaa midka ugu fiicnaa sanadka oo dhan. Haddii aniga ama Dembélé wax nagu dhacaan maalintaas, yaad markaas u codaynaysaa? Qof kale oo ciyaaraya final-ka Axadda? Haddii ay doonayaan inay Khamiista ku go’aamiyaan, ha go’aamiyeen.”
Hadalkan waxa uu si cad u muujinayaa in Yamal uu u arko in final-kii Championka uusan noqon karin go’aan kama dambeysta ah ee lagu kala saarayo cidda ku guuleysanaysa Ballon d’Or.
Dembélé, oo ku hogaamiyay PSG guulo taariikhi ah sanadkan, ayaa sidoo kale lagu tirinayaa liiska raga u tartamaya, balse Yamal waxa uu tilmaamay in joogteynta iyo waxqabadka guud ee xilli ciyaareedka ay yihiin waxa ugu muhiimsan.
Intaas kaddib, Yamal waxa uu si deggan u caddeeyay inuusan dareemayn cadaadis la xiriira ku guuleysiga Ballon d’Or xilli ay weli bilow aheyd noloshiisa ciyaareed:
“Waan khasaari doonaa haddii aan hadda bilaabo inaan ka fikiro inaan Ballon d’Or u baahanahay. Anigu waxaan ka fikirayaa oo keliya ciyaarta, guusha… markaas ayey imaan doontaa. Haddii sanad kale aan ku guuleysto Champions League iyo Koobka Adduunka, markaas ayey imaan doontaa.”