Lamine Yamal Oo Diiday Inuu Ka Hadlo Xirashada Lambarka 10-aad Sababtan Aawadeed

Sida laga soo xigtay El Pais, Lamine Yamal ayaa si xushmad leh ugu sheegay ciyaartoyda Barcelona inuusan wax hadal ah ka oran doonin cidda xiran doonta lambarka 10-aad ee kooxda.

“Inta uu Ansu kooxda joogo, ma doonayo inaan ka hadlo lambarka 10. Waa saaxiibkay,” ayuu yiri Lamine Yamal.

Lamine ayaa dhawaan saxiixay heshiis cusub oo uu kula jiro Barcelona, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda.

Yamal wuxuu horraan isugu dayay in Flick uu ku qanciyo in Fati uu siiyo waqti uu ku ciyaaro, balse sida la ogaaday Flick ayaa ka gaabsaday arrintan, taasoo sabab u noqotay in Fati uu kooxda isaga tago.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football