Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa la soo sheegay inuu dalab rasmi ah u gudbiyay tababaraha cusub ee kooxda, Hansi Flick, isagoo codsaday in door weyn laga siiyo kooxda.
Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Yamal ayaa u sheegay tababaraha inuu doonayo in la yareeyo beddelkiisa inta lagu jiro kulamada, isagoo xusay inuu doonayo inuu si degdeg ah horumar u sameeyo isla markaana saameyn joogto ah ugu yeesho ciyaaraha kooxda.
Intaa waxaa dheer, Yamal ayaa sidoo kale codsaday in lagu daro liiska ciyaartoyda qaata rigoorada iyo laadadka xorta ah, taasoo muujinaysa kalsoonida iyo hamiga uu u qabo inuu masuuliyad weyn ka qaato horumarka kooxda.
Flick, oo dhawaan beddelay Xavi Hernandez, ayaa la filayaa inuu si dhow u qiimeeyo codsiga Yamal marka uu bilaabayo dhismaha kooxda cusub ee xilli ciyaareedka soo socda.
Yamal ayaa dhowaan saxiixay heshiis cusub oo waqti dheer ah, waxaana loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah tiirarka mustaqbalka kooxda. Hamigiisa ayaa inuu qaato door muhiim ah isagoo muujinayaa biseyl iyo hoggaan ka baxsan da’diisa.