Lamine Yamal wuxuu sii huriyay wararka xanta ah ee ku saabsan Nico Williams oo Barcelona ku biiraya, kadib markii uu soo dhigay bartiisa Instagram muuqaal uu ku xusayo Nico.
Xiddiga Barcelona iyo xulka Spain, Lamine Yamal, ayaa si lama filaan ah u kiciyay hadal heyn ku saabsan suurtagalnimada uu Nico Williams ugu wareegayo Camp Nou, kadib markii uu bartiisa Instagram-ka soo dhigay muuqaal uu la dabaaldegayo Nico.
Muuqaalkan wuxuu ahaa qeyb ka mid ah dabaaldegii rigooradii uu Lamine ka dhaliyay France kulan ka tirsanaa Nations League, isagoo si farxad leh ula ciyaaraya Nico Williams.
Wararkii hore ayaa sheegay in wadahadalladii u dhexeeyay Barcelona iyo wakiillada Nico ay hakad galeen kadib markii kooxda reer Catalonia laga dalbaday dammaanad-qaadyo rasmi ah oo ku saabsan diiwaangelinta ciyaaryahanka.
Si kastaba, inkastoo caqabadahaas ay jiraan, ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Nico Williams uu weli u muuqdo mid diyaar u ah Barcelona xilli ciyaareedka cusub, halka muuqaalka Lamine uu sii adkeeyay rajooyinka taageerayaasha.
Dhaqdhaqaaqyada noocan ah ee baraha bulshada ah ayaa inta badan kaalin weyn ku leh abuurista xiisaha suuqa kala iibsiga ee xagaaga.