Lamine Yamal Oo Ballan-qaad Weyn U Sameeyay Taageerayaasha Barcelona

Lamine Yamal ayaa ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu bandhigga fiicnaa ee Barcelona xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, isagoo si joogto ah u dhaliyay goolal una abuuray fursado cajiib ah. Wuxuu sidoo kale ka mid yahay magacyada ugu cadcad ee u sharaxan abaalmarinta Ballon d’Or, kaddib bandhigyo layaab leh oo uu sameeyay.

Si kastaba, Yamal ayaa sheegay in wax badan ay weli uga harsan yihiin horumarkiisa ciyaareed, islamarkaana uu kalsooni buuxda ku qabo in uu sii fiicnaan doono xilli ciyaareedka soo socda.

“Waxaan aaminsanahay inaan sanad walba isbeddel sameyn doono. Waxaan yeelan doonaa khibrad, jirkeyguna wuu kori doonaa, wuuna is beddeli doonaa,” ayuu yiri Yamal isagoo ka hadlayay filim dokumentari ah oo Barca One laga sii daayay.

“Farqiga noo dhaxeeya kooxaha kale wuxuu noqon doonaa mid la dareemo. Sanad walba waxaan noqon doonaa mid ka sii fiican sidan, ka sii deggan. Guushii Super Cup-ka waxay na siisay kalsooni weyn oo aan isugu diyaarino xilli ciyaareedka cusub. Guuldaradii aan kala kulannay kooxda ugu weyn ee naga soo horjeeday waxay ahayd mid adag, laakiin qaabka aan u guuleysanay ayaa naga dhigtay kuwo kalsooni leh.”

Markii laga hadlayay tartanka Champions League, Yamal wuxuu yiri:

“Ma suurtagelin inaan ku guuleysanno, laakiin waxaan ku faraxsanahay maskaxda adag ee kooxdu ku muujisay garoomo adag oo aan kusoo ciyaarnay.”

“Waxay ila tahay in arrintu tahay waayo-aragnimo. Sanadkan soo socda, waxaan la imaan doon-naa ciyaartoy horey u ciyaaray nus-dhamaadka Champions League. Waan ogaan doonaa sida guuldarro u dhadhan leedahay iyo sida looga kaco. Wax walba waxay naga caawin doonaan xilli ciyaareedka soo socda.”

“Kooxda oo dhan waxay la timid maskax wanaagsan si ay u illoobaan guuldarradii Champions League. Xilli ciyaareedka dambe waan soo laaban doonnaa. Waxaan diiradda saarnay inaan guuleysanno, waan sameynay, waxaana muujinnay cidda aan nahay: kooxda ugu fiican Spain sanadkan,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Lamine.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football