Lamine Yamal Ma Noqon Doonaa Xiddiga Ugu Wanaagsan Abid? Deco Wuxuu Sheegay Arrin Qof Kasta Ka Yaabisay!

Deco ayaa ammaan weyn u jeediyay xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal, isagoo sheegay inuu leeyahay xirfad, biseyl, iyo soo jiidasho gaar ah.

“Lamine waa nooca ciyaartoyda oo aad keliya hesho mar kasta oo dhowr sano laga soo wareego, wuxuuna soo jiitaa qof walba. Ma aha oo keliya inuu xirfad leeyahay, balse sidoo kale wuxuu leeyahay biseyl weyn marka loo eego da’diisa,” ayuu yiri Deco.

Wuxuu intaas ku daray in qaab ciyaareedkiisa iyo sida uu u la falgalo taageerayaasha da’da yar ay ka dhigaan ciyaaryahan gaar ah:

“Wuxuu sidoo kale leeyahay soo jiidasho, mana ahan oo keliya ciyaar ahaan, balse waxaa laga yaabaa iney sabab u tahay da’diisa yar oo uu si fiican u saameeyo taageerayaasha da’da yar.

“Tani waxay ka dhigaysaa ciyaaryahan aan kaliya layaab ku ahayn kuwa daawanaya, balse sidoo kale dhisaya sheeko u gaar ah.”

Xiddigan mucjisada ah ee 17-jirka ah ayaa horey u gaaray guulo cajiib ah – wuxuu Spain la qaaday koobka Qaramada Yurub ee Euro isaga oo matalaya Spain, laba horyaal La Liga ah, iyo Copa del Rey oo uu la qaaday Barcelona.

Yamal ayaa 106 kulan u saftay Barcelona, isagoo dhaliyay 25 gool, isla markaana caawiyay 18 kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football