Lamine Yamal: “Ma Aha Ciyaar Caadi Ah, Waa Mid Aan Dunida Tusayo Qofka Aan Ahay!” – Finalka Waa Aniga Iyo Ronaldo

Lamine Yamal oo ka hadlay kulanka kama dambaysta ah ee Nations League: ‘Waxaan doonayaa inaan muujiyo qofka aan ahay kulamada sidaan oo kale ah’

Xiddiga xulka qaranka Spain ee Lamine Yamal ayaa bannaanka soo dhigay filashadiisa ka hor ciyaarta kama dambaysta ah ee Nations League oo ay la leeyihiin Portugal. Wareysi uu siiyay bogga rasmiga ah ee UEFA ayuu xiddiga garabka uga ciyaara Barcelona ku muujiyay inuu diyaar u yahay inuu isku muujiyo garoomada kulamada noocaan.

Waxa uu ka yiri ciyaarta Finalka:

“Waxaan leenahay kulan gaar ah – oo kama dambays ah oo aan la ciyaari doonno koox weyn. Taasi waxay i siisaa dhiirigelin dheeraad ah. Waxaan doonayaa inaan muujiyo qofka aan ahay, gaar ahaan kulamada sidaan oo kale ah. Waxaan sidoo kale doonayaa inaan hanto horyaal kale.”

Waxa uu ka yiri la kulanka suurtogalka ah ee Cristiano Ronaldo:

“Ronaldo waa halyey, waan ixtiraamaa, balse anigu shaqadayda ayaan qabsan doonaa, waxaanan isku dayi doonaa inaan guuleysto Axadda.”

Xusuusin: Ciyaarta kama dambaysta ah ee Nations League ee u dhaxaysa Portugal iyo Spain ayaa ka dhici doonta Munich Arena, Juun 8.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football