Lamine Yamal Iyo Nico Williams Oo Isku Dhacay; Arrintan Ayaa Sabab U Ah

Lamine Yamal ayaa la sheegay inuu si aad ah ula yaabay go’aanka Nico Williams uu ku saxiixay heshiiska cusub ee uu ku sii joogi doono Athletic Bilbao ilaa 2035, isagoo iska diiday ku biirista Barcelona, sida uu qoray La Vanguardia.

Yamal, oo ay Nico si aad ah isugu dhow yihiin isla markaana ay saaxiibo yihiin, wax war ah kama hayn heshiiskaas cusub ilaa lagu shaaciyay barta X (Twitter).

Warbixintu waxay sheegeysaa in Lamine uu si kalsooni leh ugu sheegay saaxiibadiis in Nico Williams uu yahay ciyaaryahan Barcelona ah. Wuxuu si cad ugu yiri:”Waa la dhammeeyay Nico heshiiskiisa.”

Arrintaas ayaa durbadiiba ku dhammaatay ceeb markii Nico uu si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis cusub, kaasoo sababay in kor loo qaado lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa boqolkiiba 50%, taasoo la rumeysan yahay inay hadda tahay ku dhowaad €87m.

Isbeddelka lama filaanka ah wuxuu ka careysiiyay taageerayaasha Barca, waxaana xusid mudan in Yamal aabihiis uu bartiisa Instagram-ka soo dhigay heesta “Can’t Trust” — taasoo loo fasiray dhaliil dadban oo ku wajahan Williams.

Barcelona waxay haatan u baahan tahay inay dib u qiimeyso qorshaheeda suuqa kadib markii ay lumiyeen mid ka mid ah bartilmaameedyadoodii ugu weynaa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football