Martin Zubimendi ayaa la filayaa inuu xiran doono maaliyadda lambarka 36 ee kooxda Arsenal xagaagan, sida uu warinayo wariyaha ciyaaraha ee Charles Watts.
Lambarka 36 ayaa ahaa isla lambarka uu Zubimendi u xiran jiray Real Sociedad markii uu yaraa, iyadoo uu sidoo kale lambarkaasi xirtay xilliyadii hore ee uu bilowga ku ahaa kooxda koowaad.
Waqti xaadirkan, lambarka 36 waxaa loo diiwaangeliyay goolhayaha da’da yar ee Tommy Setford. Si kastaba, waxaa la fahamsan yahay in Zubimendi loo oggolaan doono inuu qaato lambarka, maadaama uu yahay xiddig khibrad leh oo qeyb muhiim ah ka noqon doona kooxda Mikel Arteta.
U soo wareegista Zubimendi ee garoonka Emirates ayaa si rasmi ah loo shaacin doonaa bisha Luulyo, iyadoo dhammaan heshiisyadii iyo waraaqihii loo baahnaa la dhammeeystiray.