Trent Alexander-Arnold ayaa la xaqiijiyay inuu xiran doono lambarka 12 ee Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda.
Lambarka 12 ayaa caan ka noqday Real Madrid markii uu xirnaa Marcelo, kaasoo kooxda la qaaday koobab badan isagoo lambarkaas xiran.
Eduardo Camavinga ayaa isna muddo xiran jiray lambarka 12, balse hadda waxa uu xirtaa lambarka 6.
Halkan hoose waxaa ku qoran dhammaan lambarrada ay ciyaartoyda Real Madrid xiran doonaan tartanka Koobka Adduunka ee Naadiyada.